tuhun

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Shaki; male; bidaal; dareen.
  2. Ku t.: fal inuu dhacay malayn.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

shaki

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dareen qofka ku dhaliya inuu wax xaqiiqdiisa sugiwaayo.
  2. Wax xaqiiqdooda sugi waayid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

male

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-layaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. 1. Wax aan la hubin. 2. (fk) Mindhaa. 3. ld malo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

bidaal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Male aan hubaal ku dhisnayn.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dareen

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Garasho ku abuurta niyadda qofka isbeddal nafsadeed. 2. War dhiilo leh. 3. Tuhun; shaki.
  2. 1. Qof, isbeddel nafsaani ah oo ku abuurmay garasho. 2. Wax tuhmid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur