urug

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Cudur dadka, xoolaha iyo shimbiraha ku dhaca oo sambabada waxyeeleeya oo xummad badan iyo qufac leh; qaaxo; feero.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qaaxo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dhiska ka samaysan feeraha iyo lafdhabarta iyo waxa ku guda jira (oogada nafleyda); saab, saabley. 2. Cudur xun oo lays qaadsiiyo oo ku dhaca sida badan sambabada; feero sanbab.
  2. (c.nafl.) Moqor dheecaan ka buuxo kaas oo sameeya moqorka ugu weyn ee xayawaannada lafdhabarleyda ah iyo kuwa lafdhabarla'da ah badankooda.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

feero

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Qalab bir ah, gacan la qabto leh, oo dharka lagu kaawiyadeeyo; kaawiyad.
  2. eeg feer¹; qaaxo.
  3. 1. Timo shanlo ku habaysasho. 2. Caw, mayrax iwm jeexjeexasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur