xaal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Hanti la siiyo qof sharaftiisa wax loo dhimay. 2. (axwaal, m.dh) Arrin; xaajo. 3. ld xaalad. Sida lagu suganyahay; sah.
  2. La x.: cid arrin la dhammaysasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xaajo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Arrin; xaal; talo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

sah

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ho, m.dh)

Macnaha:

  1. Hadba xaalka markaas lagu sugan yahay.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xaalad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld xaal¹ (3).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur