fay

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-yo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Kabihii waayadii hore haweenku qaadan jireen afkooda hore oo godan caaraddiisa. 2. Caarad; gees.
  2. Xaalad caafimaadqab ku sugnaansho; ladnaansho.

caarad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Xoolo ama dad wada socda intooda ugu horreysa. 2. Asbuuc, bil sanad iwm billowgiisa.
  2. Af fiiqan oo wax mudi kara.

gees

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-so, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Cad sida lafta u adag oo ka baxa maxada raafleyda qaarkood (lo'da, ariga, ugaarta iwm), madaxa raafleyda. 2. Dhinac; hareer. 3. Laba saneeg oo ka baxa madaxa cayayaanka qaarkii; geesdaree.
  2. 1. Dhan; dhinac; jaho. 2. G.kayga/g.tayda, g.kaaga/g.taada iwm: dhinacayga, dhinacaaga iw.

ladnaansho

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Macnaha:

  1. ld ladnaan.