xanaaq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Caro; dhirif; dhiidhi.
  2. Caro muujin (qof); carood; dhirifid.

caro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Dareen qofka ku dhasha oo shucuurtiisa kiciya marka xumaan ama qadaf lagu sameeyo.
  2. Caro gelid; xanaaqid; camashood.

dhirif

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Caro; xanaaq.
  2. Dhirif dareemid.

dhiidhi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Caro qiiro leh oo cid fal xun loo geystay muujiso; xanaaq. 2. ld dhiidhiyid.
  2. Ciid biyo qooyeen; dhiiqo.
  3. Dhoobo aad u qoyan.
  4. Cid fal xun loo geystay caro qiiro leh muujin.

carood

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. eeg caroo.