xarun

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-umo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Caasimad; magaalo madax. 2. Rug; saldhig.

caasimad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. Magaalammadax.

Lamidka: Magaalammadax

rug

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-go, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Meel la deggan yahay; guri. 2. Xarun.

rųg

Qaabnax: Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone

Macnaha:

  1. Erey tilmaamaya wax dhacay dhawaaqiisa.
  2. Wax, wasakh dusha kaga dheggan ka xoqid.

saldhig

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-gyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Aasaas. 2. Meel ciidan xarun u ah. 3. Rug ciidan ay ku leeyihiin dal aan kooda ahayn. 4. Maamul booliis oo heer degmo ah.