yeer

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Dhawaaq; cod.
  2. 1. U y.: cid u dhawaaqid si ay u timaaddo. 2. Nafley dha-waaqid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhawaaq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Cod dheer oo afka laga yiraahdo; qaylo; (muus.) dh. muusiqada. 2. ld dhawaaqid.
  2. (nax.) Habka ku dhawaaqidda xaraf ama erey.
  3. 1. Cod dheer afka ka dhihid. 2. Ku dh.: wax cusub sheegid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

cod

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dad, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Dhawaaq afka ka soo baxa marka la hadlayo, ama la heesayo, ama la qaylinayo iwm. 2. Diidmo ama oggolaansho laga dhiibto doorasho.
  2. (nax.) Maayad hawo, neefsi aan ahayn oo soo dhex jibaaxda seedcodeedyada kana soo baxda moqorrada hadalka midkood.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur