gun

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dad tol yari lagu liido. 2. Dadweyne; tol. 3. Weel halka uu ka unkamo. 4. Jirridda geedka iwm.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dadweyne

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Ummad inteeda la xukumo ee aan maamulka siyasiga wax ka hayn.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

tol

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Dad xiriir wada dhalasho amo sheegasho ka dhexeeyo. 2. Qaran.
  2. 1. Laba wax oo kala go'an ama kala dillaacsan wax is kula qabasho. 2. Hal ilmo diiddey qallacid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur