hawraar
(m.dh)Hadal; oraah; weer.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hawraar ↴
ammin [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
(nax.) Qaab faleedyo gaar ah oo waafaqsan amminka falka la sameeynayo sida “timaaddo”, “tagto” iyo “joogto” iyadoo laga ambaqaadayo waqtiga la soo saarayo hawraarta.
dhardhaar [m.dh] (-rro, m.dh)
(xis.) Weedh ama hawraar loo qaatay run iyada oo aan la caddeyn, taas oo laga sii diiri karo weedho ama aragtiyo kale. Marka xisaabi la caddeynayo dhadhaarradu badanaaba waxa ay yihiin qaacidooyin la yaqaan oo sidooda loo qaato, maxaa yeelay caddeyntooda ayaa hore loo dhisay.
dhawraari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax dhawraarin u samayn.
dhawraarimo [m.dh]
ld dhawraarin¹.
dhawraarin [m.dh] (-nno, m.dh)
Wax, wax kale gaashaan dhibaato uga ah. ld dhawraarimo.
dhawraarin [m.f.dh]
eeg dhawraari.
dhigaal [m.l]
(nax.) Habkastoo diiwaangeliya hawraar tiraab ah iyadoo la adeegsanayo qoraal.
dood [m.dh] (-do, m.l)
1. (xis.) Marka laga hadlayo loojig, waa susun hawraaro ama weedho ah oo ka bilaabanta urur qaadashooyin ah kuna dhammaata go'aan. 2. (xis.) Urur hawraaro ama weedho ah oo loo yaqaan afeef iyo hawraar lagu soo gooyay oo loo yaqaan go'aan.
haye [Falkaab | Adverb]
Waa tahay; hawraarsan; hallayeelo. ld hayeh.