Site icon Qaamuus

ereyga

oodo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-ootay, -oodatay)

Xero iwm ood ku wareegsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh oodo

oodasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oodo.

taar [m.l] (-rar, m.l)
1. War farriin kooban oo nooc raadiyeyaasha ka mid ah lagu diro. 2. Silig wax lagu oodo. 3. (muus.) Daf afar geesle ah.

afsaar [m.dh]
Oodda xerada ariga afka lagaga oodo.

ciddoodoobid [m.f.dh]
eeg ciddoodow.

ciddoodow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-doobay, -dowday)
Ciddood noqosho.

goodo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ootay, -oodatay)
Roob da'aya soo dhowaasho.

goolboodo [m.dh]
Naag kibir iyo dagaal badan.

hoodo [m.dh]
Naasib.

karin [m.l] (-rmo/-imo, n. m.)
1. Raadka, raridda badani u yeesho awrta baarkeeda. 2. Xiriirka buuraha duudkooda sare, meel inta kale ka gaaban. 3. (-rmo/-imo, m.l) Cad wax lagu karo; karmo. 4. Xerada xoolaha oodda lagu oodo barkeeda sare meel ka bannaan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version