Unug
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-gyo, m.dh)Wax aan hore u jirin oo la curinayo, bilawga ugu horreeya.
Unug
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-gyo, m.dh)(baay) Halbeegga salka nolosha ee maatar iyo tamarina ka soo uunmaan, ku beddelmaan, ku kaydsaman, kuna isticmaal galaan. Unug kastaa wuxuu ka koobanyahay walxo cufan oo borotiin ah (borotobalaasam), kuwaas oo u meesiyoobey walax xab oo kale ah (saytobalaasam) iyo bu', kaas oo ay ku jirto DNA.
Unug
Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-nkay, -nugday; -nki)Unug samayn.
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga unug ↴
qaabile-kiimikaad | ibitiiliyam | Dunugle | oksiin | onkojiin | ontoogoni | oosayt | organ yare | taalaasemiiya | ugax |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg