amaah
(m.dh) (-hyo, m.l)

Xoolo qof laga qaato oo mar lagu heshiiyay loo soo celiyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh amaah

amaahasho [m.f.dh]
eeg amaaho.

amaahbax [m.l]
Deynbax.

amaahbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Qof amaah lagu lahaa iska bixin.

amaahi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof amaah siin.

amaahin [m.f.dh]
eeg amaahi. ld amaahis.

amaahis [m.l]
ld amaahin.

amaahiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Cid amaah bixisa.

amaaho [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-hday, -hatay)
Amaah qaadasho.

banki [m.l] (-iyo/bunuug, m.dh)
Maamul xafiisyo leh oo lacagta lagu keydiyo ama layska amaahiyo, fuliyana adeegyo maaliyadeed sida sarrifka lacagaha qalaad, xawaaladaha gudaha iyo dibadda iyo furidda ictimadyada. ld bangi.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg