aragti
(m.dh) (-iyo, m.l)1. Sida arrin cid ugu muuqato. 2. Awoodda waxgarashada dadka. 3. Arag. Tus. “Nin iyo baadidii aragti baa ka dhexeysa”. 4. Fikrad, mabda'iwm oo cidi rumaysantahay kuna salaysan xeerar iyo qawaaniin gaar ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aragti ↴
eber sugan [m.l] (fiis.)
Heerkulka ugu hooseeya
ee aragti ahaan suurtagala. Waa heerkulka
tamar socodka molikiyuulada iyo atamadu
uu ugu hooseyo, wuxuuna u dhigmaa -
273.15 C ama -459.67 F.
naadir [m.l]
(juqr) Bar ku dhisan aragtida aan sababaysnayn ee laga helo samada gudaheeda, taas oo lid ku ah fuqa.
maangalnimo [m.dh]
(fals.) Aragti falsafadeed oo amminsan in maanku ama caqligu uu yahay shuruudda ugu muhimsan wax garasho kasta.
oktet [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-tyo, m.dh)
(kiim.) Heertamarta deggan ee atam ee ay ku jiraan siddeed elektaroon. Dhammaystirka oktetku waxa uu keenaa degganaansho gaar ah, waana salka aragtida liiwis ee oktetka.
urur [m.l] (-rro, m.dh)
1. Seddax horimood oo ciidan ah. 2. Dad aragti siyaasadeed ku midoobay. 3. Tiro isku wax ka hadlaysa oo is buuxinaysa.
abla'ablayn [m.dh] (-no, m.dh)
Barashada aragtida, jaraynta, iyo xeerarka kala soocidda naflayda kuwii dabar go'ay iyo kuwa hadda jooga.
aragtida Darwin [m.dh] (-iyaha ..., m.l)
(baay.) Aragtida tadawurka ee ahayd isirka sinjiyada oo Charles Darwin soo saaray 1859, taas oo ilaa hadda dadka qaarkood rumaysanyahay sinjiyadu inay ka soo jeedaan noocyada abnaqyada hoose, marka loo eego dariiqadda xulashada dabeeciga.
aragtida kuwaantam [m.dh] (-iyada ..., m.dh)
(fiis.) Aragti ugu horeyntii u soo saaray Maks Blank (1858-1947) oo sharaxaysa kaaha walax madow, wuxuuna soo bandhigay afeef ah in tamarta birlabdanabeedku ku baxdo kuna qaadanto qaybo joogto ahayn oo ku dhufsanayaal abyoon ah. Tusaale ahaan, tamartu waxa ay u baxdaa baakidho yar yar oo isdabajoog ah. Rakaad kasta oo birlabdanabeed waxa la xiriira baakidho yaryar oo tamar ah, ma jirto tamar la helo oo ka yar baakidhadan, kuwaas oo loo yaqaano kuwaantaam ama footoon.
aragtida Leewis [m.dh] (-iyada ..., m.dh)
(kiim.) eeg asiidha Lewis.