argaggax
(m.l)1. Naxdin iyo cabsi weyn o qofka degganaanta ka lumisa. 2. ld argaggixid.
argaggax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday; -gixi)Naxdin iyo cabsi weyn oo qofka degganaanta ka lumiya la kulmid (qof).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh argaggax ↴
anfariir [m.l]
1. Dareen kulminaya yaab weyn iyo cabsi; argaggax. 2. ld anfariirid.
argaggaxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax argaggaxay ahaansho (qof).
argaggaxsanaan [m.f.dh]
eeg argaggaxsan. ld argaggaxsanaansho.
argaggaxsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld argaggaxsanaan.
argaggixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof argaggax ku ridid.
argaggixid [m.f.dh]
eeg argaggax². ld argaggax¹ (2).
argaggixiso [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Dad hubaysan oo argaggax dadka ku rida ama dila. 2. Naxdin iyo cabsi weyn oo qofka degganaanta ka lumisa.
cabsi [m.dh]
Wax dhibaato keena ama xun ama xanuun leh iwm, argaggaxa ay nafleyda uurkeeda ku abuuraan; argaggax, bixid, welwel; baqdin.