barako
(m.dh)

1. Wanaag loo aayo oo laga helo wax Eebbe ku siiyey sida carruurta, xoolaha iwm; karaamo. 2. Badasho, taran.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh barako

barakaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax barako leh ahaansho.

barakayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Hanti yar iimaansasho. 2. (f.g) Hanti yar tashiilasho. 3. (f.mg) Cid barako ka doonasho. 4. (f.mg) Sadaqo la bixid.

barakee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -kaysay)
1. Wax barako u yeelid (Eebbe). 2. Cunno wax yar ka cunid. 3. Hanti yar tashiilid.

barakoobid [m.f.dh]
eeg barakow.

barakow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Wax barako yeelasho. 2. Wax tarmid.

khaaddin [m.l] (-immo, m.dh)
1. Nin meel barakaysan sida masaajid iwm. ka adeega oo barako doon ah. 2. Nin wadaad u adeega oo barako doon ah. ld khaaddun.

qaneecaad [m.l]
Khayr; wanaag; barako. ld caneeqaad, qaneeco.

qaneecaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Wax barako yeelasho. 2. Ku q.: wax ku liibaanid. ld caneeqaad².

tahliil [m.dh]
Biyo quraan lagu akhriyey oo la cabbo ama lagu mayrto si barako ama fayoobi looga helo. ld taxliil².

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg