barar
(m.l)

Buurashada meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurato.

barar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh barar

ibagorayo [m.dh]
Maridda hal irmaan si candhada ka bararisa loo maro.

ibagurayo [m.dh]
Bararka naasaha geela marka si xun loo maro ay bararaan.

ibaguryee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Hal si xun loo maray nasaaha ka bararid.

taabasho [m.dh]
(daaw.) Hab baaritaan qayb ka mid ah jirka ayadoo si taxaddar leh lagu dareemayo gacamaha iyo faraha fooddoo-da. Taabashada waxa marar badan lagu kala sooci karaa barar adke ah iyo mid tulux ah. Taabashada waxa kale oo loo isticmaalaa in lagu ogaado jiritaanka ilmo uurka ku jira. ld taabad taabad

caal [m.l]
Cudur lo'da, idaha ka barariya caloosha oo uu keeno gooryaan caloosha kaga dhashay.

caal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Lo' ama ido cudur caloosha ka barariya ku dhicid.

daaf [m.l]
(daaw.) Halamacoodka xuubka isha iyo baalasha kaasoo gaduuta oo barara soona daaya biyo ama malax.

qaamowqanshiir [m.l]
Cudur ku dhaca qanjirada oo barariya in muddo ah; camanbafuufi.

qaamowqanshiir [m.l]
(daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo ku dhaca caruurta da'dodu u dhaxyso shan (5) ilaa shan iyo toban (15). Bararka qanjirka calyada oo ku yaal daanka hoose dadabiisa ee labada dhinacba, waxa ka horreeya: qandho, madax-xanuun iyo matag bararka labada qanjir way kala hormaraan mararka qaarkoodina mid keliya ayuu cudurku ku dhacaa.

uurweynaad [m.l]
Cudur dadka ku dhaca oo beeryarada barariya, uurkana weyneeya. ld caloolweynad.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg