barbardhig
(Fal Labagudbe1 | Verb Bitransitive1) (-gay, -gtay)Labo shey ama ka badan qiimahood, tayadooda iwm isu eegid. ld isbarbardhig².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh barbardhig ↴
ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo
isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn
Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
barbardhigid [m.f.dh]
eeg barbardhig. ld isbarbardhigid..
duud-oogeed [m.l]
(jool.) Oogo dhadhaab shiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.
isbarbardhig [m.l]
Isu eegidda la isu eego laba shey waxa ay iskaga mid ka yihiin.
isbarbardhig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
ld bar-bardhig.
isbarbardhigid [m.f.dh]
eeg isbarbardhig².
isu ekaansho [m.dh]
Isbarbardhig ama isku ekaansho ka dhexeysa laba shay, taaso isaga mid yihiin hal dariiqo. “Isu-ekeyn” waa marka aad is barbardhigtid laba shay, si aad u sharaxdid ama aad u fahamtid waxa ay yihiin.