barqo
(m.dh)Waqtiga u dhaxeeya subaxda iyo harka. ld barqimo, barqin¹.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh barqo ↴
barambarqo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Libaax dheddig; gool.
barqaceli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Waqti barqo ah xoolo si loo maalo guriga dib u keenid.
barqalibaaxi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Goor barqo ah seexasho (nafley).
barqammaal [m.l]
1. ld barqammaalid. Maalidda xoolaha baraqdii la maalo. 2. Waqti barqo ah oo xoolaha la maalo. 3. B. ah: caano waqtigaa barqada ah la lisay.
barqammaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Waqti barqo ah, xoolo lisid.
barqanoqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qday, -qotay)
Nafley fooftay, goor barqo ah, hoygeeda dib u tegid.
barqimo [m.dh]
ld barqo.
barqin [m.l]
ld barqo.
barqo-kulul [m.dh]
Waqtiga duhurka ka horreya oo cadceeddu aad u kulushahay.