bataax
(m.l) (-xyo, m.dh)

Ciid aad u jilicsan oo aan boor lahayn. ld batuux.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bataax

batuux [m.dh]
ld bataax.

bulukeeti [m.l] (-iyo, m.dh)
Saddex-jibaarane yar, ka samaaysan ciid bataax ah iyo shamiito la isku qasay oo guryaha lagu dhisto; jaajuur.

dabayl-bataax [m.l] (-xyo, m.dh)
(c.cimi.) Duufaan bataax xoogaa qaro leh sidata oo dabayl xoog lihi waddo. Qurubyada bataxa ahi mar mar dhif ah ayay kor u kacaan in ka badan 15 ilaa 30 mitir dhulka korkiisa, in badanna kama durkaan meesha ay yaalliin ama isha (source).

dhadhaab-habe [m.l] (-ayaal, m.l/dh)
(jool.) Dhadhaabaha iyagoo dulal leh awgeed, biyaha u oggolaada, tusaale biyaha roobka, inay dhex galaan dabadeedna ka dhex dusaan; tusaale fiican waxaa u ah dhadhaabaha noocaan ah dhagax la yiraahdo dhagax bataax.

duud-dhadhaabeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(jool.) Duud bataax ama dhadhaab ah oo in yar ka hooseeya badda ama wabiga dushiisa, oo khatar ku ah bad maaxidda.

fatuux [m.l]
Tamuux, bataax, bacad.

hammada [m.l]
(juqr.) Nooc ka mid ah lamaddegaanka, gaar ahaan Saxarada woqooyi Afrika. Lamaddegaanka h., dhulka dushiisu sida badan waxay ka kooban tahay dhadhaab qaawan, oo dabayshu ay ka qaadday bataaxda iyo boorka.

kuwaartsayd [m.l]
(jool.) Dhadhaabo aad u kakan oo ka kooban kuwaarts (badan 90% ma ka) waxayna ka samaysantaa dhagax bataax; kuwaartsaydku daldaloolo ma laha sida dhagax bataax.

kuwaatis [m.l]
(jool.) Mid ka mid ah macaadintra aad loo helo, oo ku jirta dhadhaabooyin iyo carrooyin badan iyadoo leh qaabab kala duwan, badanaa waxay buuxisaa dhuumaha, isgalooyinka, iyo hogagga dhadhaabaha. Badanaa waxaa ku qasan macaadin kale, oo ay ka mid yihiin birta ceeriin. Waxay ka samaysantahay silika iyo ogsajiin. Waxay samaysaa xaddigu ugu badan ee bataaxda.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg