bikaac
(Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone)Cod lagu muujiyo bikaacsashada; b. dheh; b. ka sii.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bikaac ↴
arag-qumin [m.dh]
(daaw.) Awoodda ishu ay ku qumiso dhererka kulmiska bikaacadeeda, ayna u tusto hummaagyo bayaan ah ee walxo yaala fogaanno kala duwan.
bikaaco [m.dh] (-ooyin, m.l)
(fiis.) Walax kasta oo ileys mootiye ah, lehna hal dhinac oo xoodan ama labada dhinacba xoodan. Bikaacada waxa lagu tilmaansadaa nooca dulaheeda ama raadka duluhu ku leeyihiin dhud ileys.
bikaacsad [m.l]
ld bikaacsasho.
bikaacsasho [m.f.dh]
eeg bikaacso. ld bikaacsad, bikaacsi.
bikaacsi [m.l]
ld bikaacsasho.
bikaacso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Kala qaadid, kala qabasho (il iwm).
dooribeyn [m.l] (-nno, m.dh)
Qalab yar oo bikaaco leh oo waxa fog muuqaalkooda soo dhaweeya.
haydh [m.l] (-ooyin, m.l)
(fiis.) Hummaagga oo yeesha iin-muuqaal, ayna sababtay, bikaaco ama muraayad xoodan. Haydh midabkeeda humaaggu waxa uu yeeshaa hariiryo midabaysan, taas oo ay ugu wacantahay hannaanka kala geddisan ee ay midabada kala geddisan u qalloocdaan.