billow
(m.l)ld bilow¹.
billow
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-laabay, -lowday; -laabi)ld bilow².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh billow ↴
waagii senosayka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waqtiga saddexaad ee waayaha jiyoolojiyada; waxaana lagu asteeyaa billowgii naafleyda nasleyda ah; waagani wuxuu ku xigay oo ka dambeeyay kambiriyan-ka-horreeye.
ambabbax [m.l]
1. ld ambabbixid. Billowga socdaalka. 2. Lacag jidmar ah. 3. A. ah: qof markaa socdaal bilaabaya.
bil [m.dh] (-lo, m.l)
1. Laba iyo tobanka qaybood ee sanadka middood oo ah sagaal iyo labaatan ama soddon beri. 2. Marka dayaxu aanu dhammays ahayn. 3. Calaamad qaab dayax billow ah u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. Bisha cas: urur caalami ah, oo dalal islaanku maalgeliyaan oo u qeybsan daryeelka ama samafalka dadka oo ay astaan u tahay dayax billaw ah oo cas.
bilow [m.l]
1. Tallaabada ugu horreysa hawl la fulinayo. 2. Waqti xaddidan qaybtiisa hore. ld billow¹.
bilow [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-laabay, -lowday; -laabi)
1. Hawl la fulinayo tallaabadeeda hore guda gelid. 2. Waqti xaddidan qeybtiisa hore gudagelid. ld billow².
caarad [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Xoolo ama dad wada socda intooda ugu horreysa. 2. Asbuuc, bil sanad iwm billowgiisa.
kacdin [m.l]
1. Orodka fardaha billowga ilaa iyo inta uu ka xiiqaayo. 2. Booddada hore oo farasku orodka billaabaayo. ld kacdimid.