Bu'
Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:(bu'o, m.l) 1. Isha nafleyda inteeda madow. 2. Afarta caloolood ee raamsatada middeed. 3. Cudur beeryarada barariya oo kaneecada laga qaado. 4. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar aad u badan..
Bu'
Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:1. (baay.) Jidh dhex yaallo saytobalaasamka unugyada, kaasoo ay ku jiraan walxaha hiddo side DNA. 2. (kiim.) Qaybta atamka ee saldanabeedku toganyahay, cufka atamkuna ka yimaado; b.du borotoonno iyo niyuutroonno ayay ka koobantahay; b.da atamka waxaa lagu muujin karaa summad tilmaamaysa tirada (cufka, borotoonnada, atamka) iyo curyaha magaciisa..
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga bu' ↴
kaahfalid | organ yare | ugxanside-yare | unug | yurasil | asiidh-bu'eed | atam | bacrimane saygot | bakteeriya | balaasmoodiyam |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg