cabsi
(m.dh)Wax dhibaato keena ama xun ama xanuun leh iwm, argaggaxa ay nafleyda uurkeeda ku abuuraan; argaggax, bixid, welwel; baqdin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cabsi ↴
ebinefiriin [m.l] (baay.)
Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa
muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo
qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.
baaci [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (iyay, -isay)
1. (f.g) Wax baac ku cabbirid. 2. (f.g) Wadaan ceel ku jirta ayadoo gacmaha la geynayo madaxa ka kor dawliska jiidid. 3. (f.mg) U b.: gacan, ul iwm ayadoo cid lagu cabsi gelinayo u taagid.
maag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1]
Wax cabsi dartii uga dheeraansho.
maago [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
Ka m.: wax cabsi darteed uga dheeraansho. maahane qr. ld mooyaane.
nabdaado [m.dh]
Si cabsi ku jirto uga kicidda hurdada.
saahid [m.l] (-diin, m.dh)
Qof cabsida Ilaah u go'ay.
saahid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Cabsi Ilaah u go'id. 2. Ka s.: wax la caadaystay joojin.
waalo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aashay, -aalatay)
1. Wax waalan noqosho. 2. Ka w.: meel cabsi awgeed uga cararid.
yalanyalxoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Dhaxan yar dareemid cabsi awgeed.
yaleex [m.l]
1. Dabayl ka kacda miyiga oo cabsigelisa qofka keligiisa socda. 2. ld yalax. Timo dad oo aad u jilicsan, sida yixda.