dhicis
(m.l)1. Ilmo dhashay iyagoon bilahoodii dhammaysan. 2. ld dhicin¹.
dhicis
(m.dh)ld dhicid¹.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhicis ↴
kaadiraac [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
K. ah: dhicis yar oo aan cad iyo laf yeelan ee xinjir ah.
laandhicis [m.l]
ld laandhicin.
dabeyl [m.dh] (-lo, m.l)
(daaw.) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. ld dabayl¹ (5).
dhaadhicis [m.l]
ld dhaadhicin.
dhici [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax la dhacay badbaadin. 2. (f.g) Ilmo dhicis ah dhalid. 3. (f.mg) Ka dh.: cid wax ka daaficid.
dhicid [m.f.dh]
eeg dhac². ld dhicis², dhicitaan.
dhicin [m.f.dh]
eeg dhici. ld dhicis¹ (2).
dhicisnimo [m.dh]
Dhicis ahaansho.