doonni
(m.dh)ld doon.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh doonni ↴
addoonnimo [m.dh]
Addoon ahaansho.
deebaan [m.l]
1. Shiraac saddex gees ah intiisa hoose. 2. Xarig doonyaad isu haya farmaanka docdiisa midig iyo doonnida. ld deebaani (2).
doon [m.dh] (-oomo/-nyo, m.l)
Gaadiid badeed shiraac leh oo markabka ka yar bedenkana ka weyn; xaryan. ld doonni.
maskarjab [m.l]
1. Mowjadda jabbiddeeda. 2. Dad meel ka caaryey oo aan waxba haysan oo doonni ama markab la jabay. 3. ld maskarjabid. ld maskabjab¹.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg