doono
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-ntay, -natay)

Wax raadsasho (nafley).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh doono

aakhiro [m.dh]
Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.

aakib [m.l]
1. Ka aa. ah: faa'iidada laga rajeynayo fal lagu dhaqaaqi doono. Tus. “Samaynta Warshadda Saabuunta waxa ka aa. ah in ay joogsato tii dibadda ka imaneysay oo lacagta adagi ku baxaysay”. 2. Ka aa. ah: mudnaanta uu wax, wax kale ka leeyahay. Tus. “Tiro badan waxaa ka aa. ah tayo”.

qaanqaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Arrin la qaban doono waxyaalaha ay u baahantahay oo ku fuli doonto isku duwid.

rabitin [m.l]
Jeclaansho wax niyadda laga doono. ld rabid.

wad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Xoolo, dad iwm meel ay joogeen ka kaxeyn. 2. Gaadid (markab, baabuur, iwm) meel ka kaxayn. 3. (f.g) Hawl la hayey sii fulin. 4. (f.mg) Ku w.: wax mala-awaalid. Tus. “Waxaan ku wadaa in uu maanta cali imaan doono”.

aardoono [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ntay, -natay)
Qof in uu aano soo guto meel u aadid.

addoon [m.l] (-oommo, m.dh)
Nin aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; cabiid; bidde.

addoon [m.dh] (-oomo, m.dh)
Naag aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; biddad.

afeef [m.f.dh]
Hadal, kolka la doodayo la hormarsado, og waxyaalo la oran doono marmarsiinyo looga dhigo, ama waxyaalo laga baqayo soo qaadkood lagu gudbo.

arahdoono [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ntay, -natay)
Dad miro, xabag, caws, iwm. raadsasho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg