fardo
(m.l.w)eeg faras.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fardo ↴
ashkir [m.l]
Midab fardood ka kooban caddaan iyo casaan khafiif ah.
bullo [m.dh]
1. Ciyaar hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, ragga iyo haweenku wada ciyaaraan, leh jiib, jaan, buun, durbaan iyo biro la isku garaaco. 2. B. ah: midab fardood dambarka u eg.
dabbaaldeg [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Damaashaad lagu sameeyo fardo la cayaarsiinayo. 2. Cayaaro iyo waxyaalo kale oo farax lagu muujiyo oo loola jeedo maalin taariikh weyn leh oo la xuso.
dabbaaldeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Maalin muhiim ah ciyaar ku xusid. 2. Fardo ku damaashaadid.
darmaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Ubad fardood oo lab. 2. Nin mingis qaba.
darmaan [m.dh] (-no, m.dh)
1. Ubad fardood oo dheddig. 2. Qof dumar ah oo qaba mingis.
deeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Qof cayrtoobid. 2. Qoor kacsi dartiis la caatoobid. 3. Fardo fuulid.
faranfardo [m.dh]
Orod boodboodid leh oo ay sameeyaan xoolaha iyo carruurtu xilliyada barwaaqada ah.
fardooley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Rag fardo leh ama fuli yaqaan. 2. Ciidan hubaysan oo fardaha ku dagaala.