garas
(m.l)

Geed weyn oo ka mid ah geedmadowga ama geed-abaareedka oo leh miro la cuno iyo hoos wanaagsa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh garas

og [m.l]
1. ld ogaan (1). Garasho wax loo leeyahay; arrintaas ogaal baan u falay. 2. Xog wax laga hayo. Tus. “Ogaalkay nabadgelyo ayaa halkaa ka jirtay”. 3. Xog'ogaal: oogaanta wax guntooda la ogyahay. ogaan

maan [m.l]
Awoodda garashada ee qof leeyahay.

maangalnimo [m.dh]
(fals.) Aragti falsafadeed oo amminsan in maanku ama caqligu uu yahay shuruudda ugu muhimsan wax garasho kasta.

maangarasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maangaro. ld maangarad.

naaqus [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. N. ah: wax aan dhaamayn. 2. N. ah: qof garashadiisu yartahay. ld naaqis¹.

abwaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Buug ama buugag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 3. A. ah: nin garasho aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh. 4. (riw.) Qof riwaayadaha curiya.

abwaanad [m.dh] (-do, m.l)
1. Haweeney curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 2. A. ah: haweeney garasho, aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh.

abyan [m.l]
1. Garasho ama dareen, wax silloon ama lala yaabo, ay dhaliyaan; amakaag; ashqaraar. 2. ld abyamid.

afgarasho [m.f.dh]
eeg afgaro. ld afgarad.

ahbal [m.l] (-llo, m.dh)
Nin aad u garasho yar; doqon; dabbaal.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg