guduud
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

Midab dhiigga u eg.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guduud

aajur [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Jaajuur yaryar oo ka samaysan dhoobo guduudan oo wax lagu dhiso.

kaadicaso [m.dh]
1. Cudur lo'da ku dhaca oo shilintu keento midabka kaadiduna guduud ka dhiga. 2. Cudur kelyaha dadka ku dhaca oo kaadida caseeya.

yaanyo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(bot.) Miro guduudan ama cillaan xigeen ah oo la cuno iyagoo ceerin ama bisil; inta badan iidaankaa lagu daraa.

haad-ka-adag [m.dh]
Shimbir galleyrka u eg oo madax weyn, majo guduudan iyo ciddiyo dhaadheer leh.

haarguduud [m.dh]
Meel leh xammuuradda maryaha la gasho.

maajeen [m.l]
Midab guduud boor xigeen ah oo ay lo'du yeelato.

uuro [m.dh]
1. Boor ama qiiq madow oo kacsan. 2. Biyo dhoobo ku qasantahay oo aad u calawsan. 3. Midab xooluhu yeeshaan oo madow, guduud iyo cawl isugu dhafan.

xabagdhiig [m.dh]
Nooc xabagta ka mid ah oo aad u guduud ah.

xagaaf [m.l] (-fyo, m.dh)
Dhul ciid guduud jilicsan leh oo ariga saac u lahayn.

xamar [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
X. ah: midab guduudan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg