haqo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-qay, -qday)

Haq u dhimasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haqo

caashaqo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-qday, -qatay)
Ku c.: markab, baabuur, xoolo iwm meel ku abbaarasho.

darabdhaqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qday, -qatay)
ld darabqaado.

dhaqo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-qday, -qatay)
1. Wax si fiican u maamulasho. 2. Wax mayrasho.

faradhaqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qday, -qatay)
ld faraxalo.

fooldhaqo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-qday, -qatay)
Weji mayrasho.

haqasho [m.f.dh]
eeg haqo. ld haqad (2).

lixadhaqo [m.l]
Xilliga guga qaybtiisa dambe; cawliku-dhashay. ld lixadhaco.

mashaqo [m.dh] (-ooyin, ml.)
Dhibaato; shiddo; mixno; mushkulad.

mashaqo [m.dh]
(fiis.) Cabbirka xaddiga walaxi qaab doorsoontay, marka la saaro xoog qaab-dooriye ah. Qaab doorintu marka ay tahay dherer, mashaqadu waxa ay le'egtahay saamiga isbeddel dhererka iyo dhererka salka ah.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg