Jajab
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:1. Xanuun murqaha ku dhaca. 2. Dhacaan cayayaanka qaarkood ka yimaada oo markuu jirka gaaro lagu xajiimoodo. 3. Wax burburay gobol ka mid ah. 4. Dildillaac ku dhaca oogada siiba bishimaha iyo cagaha oo qabowga badani keeno. 5. Lacagta inteeda aan xaashida ahayn. 6. Dahab aan saafi ahayn.
Jajab
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-byo, m.dh)(xis.) Tiro aan hal dhammayn, oo la qaybiyey midkeed.
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga jajab ↴
saami | aritmatig | bakteeriya-ciijiye | bilirubiin | birqalax | burbur | burburso | cirbad-durid | dokhosh | faradh |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg