kordhi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Wax hore loo hayey wax ku sii darid; badin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kordhi ↴
ebinefiriin [m.l] (baay.)
Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa
muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo
qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.
baabila [m.dh] (-ooyin, m.l)
(baay.) Soobaxyo uu jidhku leeyahay oo u soo baxa dub duleedka lafdhabarleyda, kuwaasi oo kordhiya halka ay iskaga yimaadaan laba nudood.
saayid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Wax kordhid. ld saa'id².
saayidi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax tiradooda kordhin. ld saa'idi.
tacabkordhin [m.dh]
Wax soo saarka oo la badiyo.
baamiye [m.l]
Qudaar dhuudhuuban oo yare xoodan ee maraqa lagu dhireeyo, oo dhadhan wanaagsanna ku kordhisa.
bado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-atay, -adatay)
Wax tiradooda kordhid.
ballaarso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Dhul iwm cabbirkooda kordhisasho. 2. Wax ballaciisa weyneysasho.
balqan-keene [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(daaw.) Dawo badinaysa sii deynta calyada ee neefmareennada taaso sahleysa qufaca. Waxaana lagu daraa dawooyinka qufaca; waxayna ka falgashaa kordhinta sii deynta dhuumaha neefta, wayna jilcisaa xaakada.
baraas [m.l] (-ooyin, m.l)
(kiim.) Nooc kasta oo ka mid ah birdhafyada kubram-sink oo ilaa 50% tahay sink. Marka xaddiga sink la kordhiyaba, midabka birdhafku wuxuu iskula beddelaa sidan: dahabi-cas oo noqda dahabi; ilaa laga gaadho caddaan-qalimeed. Baraasyada si fudud ayaa loo sameeyaa, si wacanna way ugu adkaystaan daxalaysiga.