maad
(m.dh)

1. Gaashaan. 2. Meel lagu gabbado. gaashaan

maad
(m.dh) (-do/-dooyin, m.l)

Hadal ama sheeko lagu qoslo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maad

obiyum [m.l (daaw.)]
Dawo laga miiro geedka la yiraahdo “poppy papaver somniferum” oo xanuun bi'is ah hurdana keenta maadama ay morfiin ku jirto.

saabbuun [m.dh]
Xayr iyo maadooyin kale oo la isku kariyey, adke laga dhigay oo dharka iyo jirka lagu mayrto, biyahana ku milma. ld saabuun. saabuun

maadaama [Xiriiriye | Conjunction]
Eray lagu xiriiriyo weer sababley ah. Tus. “Maaddaama roob uu da'ayo iska joog”. ld maaddaama. maaddaama

maadad [m.l]
ld maadasho. maadasho

maadasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maado. ld maadad, maarad, maarasho. maadad, maarad, maarasho

maaddaama [Xiriiriye | Conjunction]
ld maadaama. maadaama

maaddad [m.dh]
ld maaddo. maaddo

maaddi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
M. ah: qof lacagta, xoolaha aad u jecel oo dantiisa wax kasta ka hormariya.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg