maraq
(m.l) (-rqo, m.l)1. Meyrax la jilciyay oo geela naasaha looga maro si aan loo nuujin. 2. Fuud.
maraq
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-rqay, -raqday)Hal irmaan afarteeda naas oo dhan ama qaar ka mid ah marid, si aan loo nuugin, ama loo lisin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maraq ↴
baamiye [m.l]
Qudaar dhuudhuuban oo yare xoodan ee maraqa lagu dhireeyo, oo dhadhan wanaagsanna ku kordhisa.
calas [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. C. ah: biyo saafi ah. 2. C. ah: maraq dufankiisu yaryahay. 3. C. ah: midab casaan xigeen ah; maarniin.
dabaggorayo [m.dh]
Meel ku aaddan maraqsaarka awr dhaan ah, heeryadu ka furantahay wax la geshado.
dhacso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Qof wax laga dhacay xoog ku soo ceshasho. 2. Nirig naas maraq ka furasho.
dhibi [m.dh]
Madowga maraqsaarka awrta qooqan ka muuqda kana samaysma kaadi uu isku sayray. ld dhebi².
furfur [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
F. ah: soor gallay oo maraq lagu kariyay oo aan budo lagu darin si ayna isku dhegin.
fuud [m.l]
Dhacaanka ka baxa hilib xoolaad ama mallay iwm. oo biyo lagu kariyey; maraq.
fuudsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Nafley maraq cabsiin.
heen [m.dh]
Subagga fuudka ama maraqa.
iidaan [m.l]
Subag, caano, maraq iwm oo cuntada yaabisnimada looga ba'sho.