marka
(Xiriiriye | Conjunction)eeg mar³.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh marka ↴
aadaan [m.l]
1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aaddan¹, eedaan¹. aadaamid, aaddan, eedaan
aadiraac [m.l]
Dhicinta uu neef markaas rimay dhiciyo; qubeys.
aakhiro [m.dh]
Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.
eber [m.l]
1. Tiro xisaabeed oo marka ay
kaligeed tahay aan macne lahayn, laakiin
marka tiradu midig ka raacdo toban ku
dhufata. 2. Barta kala barta toganaha iyo
tabanaha xisaabta. 3. E. ah: wax ama meel
maran. ebar
ibagurayo [m.dh]
Bararka naasaha geela marka si xun loo maro ay bararaan.
taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid
daab [m.dh]
1. Cudur leh shuban oo ku dhaca
dhasha xoolaha markay dambar badan
nuugaan. 2. ld doog². doog
saa [Xiriiriye | Conjunction]
1. Markaas; haddaba. 2. Maxaa-yeelay,
waxay kunoqotay, sabab. haddaba, markaas, sabab
aalad-kabniin [m.dh] (-do-kabniin, m.l)
(daaw.) Aalad adag oo lagu kabo addimada ama meel kale oo jirka ka mid ah marka ay jabaan ama kala baxaan. Waxay ka sameysantahay balaastig ama faashad lagu qooyey wax loo yaqaan “plaster of Paris” waxaana lagu dhejiyaa meesha jaban si dhaqdhaqaaqa looga celiyo lafaha la isu keenay.
naab [m.dh]
(daaw.) Qolof qallalan oo fuusha
bishimaha qofka marka uu harraado ama uu
bukoodo; jiil. jiil