qaw
(m.l)

Meel cirif ah oo haadaan dheeri ka hooseysa.

qaw
(Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone)

Erey tilmaama dhawaac.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaw

anqaw [m.l]
ld canqow.

aragti [m.dh] (-iyo, m.l)
1. Sida arrin cid ugu muuqato. 2. Awoodda waxgarashada dadka. 3. Arag. Tus. “Nin iyo baadidii aragti baa ka dhexeysa”. 4. Fikrad, mabda'iwm oo cidi rumaysantahay kuna salaysan xeerar iyo qawaaniin gaar ah.

baq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday; -biqi)
1. Wax xumaaday oo aan la dhami karin noqosho (caano). 2. Baqdin dareemid. 3. Ka b.: sharci, qawaaniin iwm wax khilaafsan faliddiisa ka digtoonaan si looga baxsado ciqaabta ay jebintiisu leedahay.

caar [m.l]
1. Midab baraashirix ah oo lo'da ariga iyo farduhu yeeshaan. 2. Cudur haragga dadka ku dhaca oo baro cadcad u yeela; qawad.

cambaarcad [m.dh] (-dyo, m.dh)
Qawad. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; qawad.

canqaw [m.l] (-wyo, m.dh)
Labada lafood ee ka soo taagan meesha cagta iyo kubka iska galaan middood. ld anqow.

cilmiga qawmiyadaha [m.l]
Barashada sayniseed ee jinsiyadaha bani'aadamka iyo dhaqamadooda.

digniin kamadambeys ah [m.dh]
(siyaa.) Xagga qawaaniinta caalamiga, waa shuruudaha ugu dambeeya wada hadal, ku gacan seeriddiisuna ay keento joojin wada xaajoodka socday ama ku dhaqaaqid awood wax ku xallin.

diin [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-iimo, m.l)
1. Caqiido cid ku xiraysa awood ka sarraysa oo ay aaminsantahay in ay wax yeeli karto, waxna u tari karto. 2. Qawaaniin Eebbe u soo dejiyey dadka dunida ku nool si ay waxa wanaagsan u falaan, waxa xunna uga reebtoomaan. 3. Quraan.

filiqsanaanta-qawmiyadaha [m.dh]
(juqr.) Barashada sayniseed ee fliqsanaanta goboleed ee faracyada ama jinsiyadaha bani-aadamka iyo dhaqamadooda.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg