Qodob
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-dbo, m.l)1. Dun, xarig iwm oo laba waxood ama ka badan la iskula qabto. 2. Musmaar gaaban oo dabada u buuran oo kabaha lagu qurxiyo. 3. Qaybaha sharciga u qaybsama mid ka mid ah. 4. Summad xoolaha lagu dhigto oo u eg nuunka carabiga oo hoos u jeeda. 5. Qormooyinka wargeyska ku qoran mid ka mid ah; maqaal; qormo.
Qodob
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-dbo, m.l)(nax.) Qurub magacyada qaarkood ka raaca dhammaadka si uu uga dhigo wax cayiman. Tus. “Aqal-ka”, “inan-ta”.
Qodob
Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-dbay, -dobtay; -dbi)1. Dun, xarig iwm laba waxood iskula qabasho. 2. Musmaar gaaban oo daba buuran leh kabo iwm ku qurxin. 3. Gabadh la guday tolid.
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga qodob ↴
ta | ka | aawo | ammaan | cusko | magacuyaal | qodbid |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg