Raar
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-rar, m.l)1. Gogol caws ka samaysan oo dun lagu xardhay. 2. Dhismo kor u dheer oo dusha sare lagaga deday qoryo, caws iwm oo laga fuulo, bahalaha, qaniinka, kaneecada iwm. 3. Qoryo, dhagxaan iwm oo la is dul saaray oo sallaan ahaan loo adeegsado. 4. Qoryo ceelka afkiisa lagu dadbo.
Raar
Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:1. Guriga gudihiisa qaybta dambe ee saabaanka muhiimka ah la dhigto. 2. Sariir qoryo ka samaysan.
Raar
Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-ray, -rtay)1. Wax meel sare saarid. 2. Raar dhisid.
Hinsaraar*
Waa afar udub oo labo la mudo labona la korsaaro mararka roobku da'ayo waxa laga dhexdhisaa aqal somaaliga dhexdiisa waxa uu u eg yahay ssariirta oo kale waxaana la saaraa ilmaha yar yar alaabta yaar wixii roobka lagala cabsado
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga raar ↴
kaabi | laallaad | laallaad | laallaadi | raarac | raarac | raaracan |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg