Shuban
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:Saxaro badan, jilicsan oo nafleyda qaarkeed gadaal ka dhigto.
Shuban
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:(daaw.) Saxaro jilicsan ama biyo ah oo la dhigo si is daba joog ah. Waxa sabab u noqon kara xiidmaha oo bukooda (infekshan, kolaytis, iyo cudurka “crohn”), dheefdhuuqa oo xumaata, xaaladaha acsaabtu kacsantahay iwm. Shubanku haddii uu dheeraado ama si daran u socdo wuxu keeni karaa: biyo aad u badan,cusbooyin iyo nafaqo kale oo jirka ka baxa.
Shuban
Qaabnaxa: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1 Isrogrogga: (-bmay, -bantay; -bmi)1. Nafley wax shuban ku dhacay noqosho. 2. Hoore wax la shubay noqosho.
Shuban
Qaabnaxa: Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4 Isrogrogga: (-bnaa, -bnayd)1. Hoore wax la shubay ahaansho. 2. Xoolo wax la waraabshay ahaansho.
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga shuban ↴
aabbur | aabbur | aagaan | daab | caabuq | daacuun | daacuun | ban | bawaasiir | beerxaw |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg