Soor

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

1. Cayayaan duula, afar baal leh, duqsiga u eg wax yarna ka weyn, xoolaha dhiigga ka nuugga oo cudur ku reeba. 2. Buntuq afkiisa mindi ka taagan.

Soor

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

1. Galley ama meseggo shiidan oo la kariyo. 2. Gasiin; cunto.

Soor

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-ray, -rtay)

1. Cid cunto iyo cabbid ku martiqaadid. 2. Wax si isla eg u qaybin. ld sooryee.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga soor

oomasoore | afuuf | baaxadsoore | bakteeriafayj | barafasoor | barfasoor | barwaaqasooran | budaddar | bur | burloox |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg