Xidid
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-do, m.l)1. Geedka intiisa dhulka ku aasan, laamaha iyo faraqa ka baxa mid ka mid ah. 2. Dhuumaha oogada nafleyda ka buuxa oo dhiigga halbowleyaashu xubnaha ku faafiyeen, soo qaada oo wadnaha ku soo celiya. 3. Xiriir dadku yeesho oo xagga guurka ka yimaada.
Xidid
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-do, m.l)(xis.) 1. Xididka tiro maangal ama murakab ah: waa tiro marka la dul dhigo jibbaar ay la mid tahay tiradaasi. Tusaale ahaan, 2 waa xidid afraadka ee 16 (2 =16). 2. Xididka isle'eg: tiro marka lagu beddelo doorsoomaha ku jira isle'egta raaligeliya isle'egta, kaas oo labada dhinac ee isle'egtu isle'ekeysiiya.
Xidid
Qaabnaxa: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1 Isrogrogga: (-day, -dday)Xidid noqosho (dad).
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga xidid ↴
saab | waabay | oksiin | organ | aragtiinka asaasiga ah ee aljebra | argeeg | aroore-holac | asal | bawaasiir | biyo-saar |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg