xoogaa
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)

Waxaan badnayn; in yar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xoogaa

oomane-u-eke [m.l] (-yaal, m.l/dh)
(juqr.) Ereyo loo istiicmalo cimilada iyo deegaanta siday u kala horeeyaan gobollada cidhifyada lamadegaannada halkaasoo roob sannadeedku in yar badanyahay deegaantuna xoogaa ka filiqsantahay meelaha ku xiga, sida lamadegaanka kulul iyo safaanaha dhexdooda.

dabayl-bataax [m.l] (-xyo, m.dh)
(c.cimi.) Duufaan bataax xoogaa qaro leh sidata oo dabayl xoog lihi waddo. Qurubyada bataxa ahi mar mar dhif ah ayay kor u kacaan in ka badan 15 ilaa 30 mitir dhulka korkiisa, in badanna kama durkaan meesha ay yaalliin ama isha (source).

dayaan [m.l] (fiis.)
Noqodka hir jabaq ee dul (gebi ama buur) xoogaa innaga fog ay soo celisay, oo ka laciifsan jabaqdii asalka ahayd. Faraqa waqtiga ee ayoonka iyo jabaqda asalka ah, waxa ay muujisaa fogaanta gebiga ama buurta iwm.

dhurwaa [m.l] (-aayo, m.dh)
Dugaag yeyda wax xoogaa ka weyn, xoolaha laaya, ilko adag oo lafaha burburiya leh oo labada lugood ee dambe u gaaban.

duud-oogeed [m.l]
(jool.) Oogo dhadhaab shiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.

gundhawr [m.l]
1. Bartamaha gaashaanka. 2. Xoogaa masaggo ah oo lagu reebo mooyaha marka wax lagu tumayo.

in [m.dh]
1. (ino, m.l) Xoogaa, qaar, wax aan badnayn; wax; tiro. 2. Qayb, cad. 3. Waqti, goor. 4. Xag, meel, kob. 5. Inna: waxna.

kis [m.dh]
In yar; xoogaa; kistoo.

kistoo [Falkaab | Adverb]
Kis yar; xoogaa.

kortag [m.l]
Aadidda la aado meel xoogaa durugsan si loogu kaadsho ama saxaroodo. ld kortegid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg