akhlaaq
(m.dh)

Dabeecad, dhaqan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh akhlaaq

dayuus [m.l] (-syo, m.dh)
Qof aan damiir iyo akhlaaq lahayn oo aan ka xishoon in uu walaashiis ama xaaskiisa uu rag kale u geeyo.

deys [m.l] (-sas, m.l)
1. D. ah: faras dibad joognimo ku barbaaray oo aan la laylin. 2. D. ah: qof iskorisnimo ku barbaaray oo akhlaaq xun.

diinlaawe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
1. Qof aan diin aaminsanayn. 2. Qof aan akhlaaq wanaagsan lahayn.

doofaarad [m.dh] (-do, m.l)
Haweenay aad u akhlaaq xun. ld doonfaarad.

mabda' [m.l] (-'yo/-baadi', m.dh)
1. Feker iyo aaraa habaysan oo cidi aamminsan tahay. 2. Aasaaska fikradaha cilmiga ah ee ku saabsan sayniska, diinta akhlaaqda iwm. 3. Ujeeddo.

murwo [m.dh]
1. Sharaf; maamuus. 2. ld marwo. Haweeney gaarinnimo karti, dabeecad iyo akhlaaq isku darsatay.

nuguur [m.dh]
Dabeecad; akhlaaq.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg