alab
(m.l)Ged; caado; dabci.
Lalabo*
Marka matag kusoo haayo, laameeryo
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Halable*
Nooc libaaxa ka mida
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Macne Dheeraad ah
Qoraalka rasmiga ah ee ereygan waa "Lallabo" wuuna ku jiraa qaamuuska.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh alab ↴
jaalabbuud [m.l]
Jaadadka doonyaha jaad ka mid ah.
jaalabutee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-teeyay, -teysay)
Jaalabuto samayn.
jaalabuteyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaalabutee.
jaalabuto [m.dh]
1. Cayaar ay cayaaraan goroyada, shimbiraha iwm oo ay cagaha dhulka la dhacaan. 2. Socod nafley badani ay koox-koox ugu socoto. 3. Feer, haraati iwm oo cid lala dhaco
waagii macdanka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waagii dadku qalabka iyo hubka ay isticmaalaan ka samaysan jireen maar iyo tiin la isku dhafay. Waagani ma sheegayo waqti go'an oo taariikheed oo si taxane ah ugu xidhiidhsan dhacdooyin ka horreeyay; hase ahaatee, waagani wuxuu tilmaamayaa marxalad dhaqameed oo dadyow badan oo dunida ku nooli soo mareen, marka la eegayo horumarkii ay soo sameeyeen laga soo billaabo waagii alabka dhagxaanta laga samaysan jiray ilaa laga soo gaaro waqtigii la bartay qalabka xadiidka.
alaalabbaq [m.l]
1. Baqdi aan aqoon ku dhisnay; baqdin qalo keento. 2. ld alaabbiqid.
alaalabbaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday; -biqi)
Cabsi kaddaray ah dareemid.
alaalabbiqid [m.f.dh]
eeg alaalabbaq². ld alaalabbaq¹ (2).
alabbas [m.l]
1. Orod aan caadi ahayn oo baqdini ku jirto. 2. ld alabbasid.