amag
(m.l)1. A. ah: qof indhaha la'oo aan waxba arkeyn. 2. ld hamag.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh amag ↴
saamaggade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
Cayayaan yaryar oo lugo badan leh iyo midab caddaan xigeen ah oo tiro badan u wada socda.
wadaamaggoys [m.dh]
ld wadaamaggoysyo.
wadaamaggoysyo [m.dh]
Cutub xiddigo oo ka mid ah kuwa koonfur, waa if xiddigood afar baase ah u iftiin badan oo ishu si fudud u qaban kartaa, afartu waxay u egyihiin istalaab oo waxaa loo yaqaan istallaabta koofur, waxayna u dhowyihiin awrka cir; wadaamaqubo. ld wadaamaggoys, wadaamaqubo.
wadaamagooye [m.l]
(c.fal.) Koox afar xiddigood ah oo laga arki karo kubbad-badhka koonfureed, oo u habeysan qaab laanqayreed, dhibibka ugu dheer ee barahooduna uu yahay koonfur; haddii dhidibkaas la fidiyo 4 jeer dherekiisa, waxa soo baxaya bar u dhowr cidhifka koonfureed. Marka kooxdaa xiddigaha ah waxa lagu isticmaalaa kubbad-badhka koofureed, sida xiddig cidhifeedka kubbad-badhka waqooyi, si jihada loo ogaado.
dhacamaggal [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
ld dhacmaggal.
hamag [m.l]
1. ld amag. 2. (sh.r) Cod lagu muujiyo dhicitaan.
hawtulhamag [m.l]
1. Cayayaan duulduula, habeenkii dabka ifkiisa soo raaca oo ku gubta. 2. Qof aan kala aqoon wax u roon iyo waxa u daran. 3. H. ah: meel aad mugdi u ah ama aad gudcur u ah.
lamagayaan [m.l]
Rag iyo dumar inta aan meher isu qaban.
ramag [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Geel markaa dhalay. ld ramad.