ballaar
(m.l)ld ballac.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ballaar ↴
aag [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dhul ballaaran oo meel la yaqaano ku fadhiyo. Tus. “Aagga Ceelbuur waxaa laga helaa dhagax jilicsan oo urjikooyinka
laga qoro”.
ubbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Weel badanaa argeeg ka samaysan oo sal ballaaran iyo qoor dhuuban oo weesada lagu shubto. 2. Quluc. Quluc
faafi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
War, cudur iwm meel si ballaaran ugu baahin. ld faahi, faaxi (2). faahi, faaxi
baabbaca-caleen [m.dh] (-eemo, m.l)
(baay.) Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c.yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan footoosintasiska iyo biyo saariddu.
yaanbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Bir xalleefsan oo af ballaaran iyo daab leh oo beeraha lagu falo. 2. Bir af ballaaran oo godan leh oo ay cagafcagaftu beeraha ku fasho.
caad [m.dh]
1. Meel dhagax ballaaran oo siman leh oo ciid ku hareereysantahay oo biyaha celisa. 2. C.daas joog/c.daas mar: wax buux ah (weel); qof fiican.
eel [m.l]
Dhibaato aad u ballaaran.
laako [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Laangeed oo labo qaybood u kala baxdo. 2. Mataano. 3. Fallaar, dabbaanta ka yara ballaaran oo aan dhega lahayn.
taaloog [m.l]
Hab timaha ragga loo xiiro oo diillin ballaaran oo qurxoon laga muujiyo jeegada hoose ilaa labada dhegood dushooda.
taaloog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Diillin ballaaran oo qurxoon, jeegada hoose ilaa labada dhegood dushooda ka muujin iyadoo timaha la xiirayo.