beden
(m.l) (-emmo /-enno, m.dh)1. Gaadiid badeed doonta ka yar huurigana ka weyn oo lagu kalluumeysto. 2. Oogada dadka.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh beden ↴
saawee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-weeyay, -waysay)
1. Wax, wax kale u ekaysiin. 2. Beden, huuri iwm seeb ku wadid. ld sawee.
doon [m.dh] (-oomo/-nyo, m.l)
Gaadiid badeed shiraac leh oo markabka ka yar bedenkana ka weyn; xaryan. ld doonni.
huuri [m.l] (-iyaal, m.l/dh/-iyo, m.dh)
Gaadiid badeed yar, bedenka ka yar oo lagu kalluumaysto.
muqdaaf [m.l] (-fyo, m.dh)
Loox dacal ballaaran oo lagu seebiyo huuriga iyo bedenka. ld miqdaaf.
seeb [m.l] (-bab, m.l)
Qori dheer oo afka hore u ballaaran oo bedenada iyo huuriyada lagu wado.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg