boqol
(m.l.t)

Tiro ka kooban toban meelood oo min toban ah; “100”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh boqol

caabbiri [m.l] (-iyo, m.dh)
Jaadadka doonyada shiraaca leh midda ugu yar oo qaadi karta toddobaatan ilaa afar boqol jawaan.

daabbulad [m.dh] (-do, m.l)
Xirmo ka kooban boqol marduuf oo jaad ah. ld daabbule. daabbule

ul [m.dh] (-lo, m.l)
1. (-lo, m.l) Qori dhuuban, geedaha laga goosto oo loo qaato in laysku daafaco ama xoolaha lagu raaco. 2. Lo'tiradeedu boqol (100) gaartay. 3. Tiro lo'ah oo gaar isula soofta.

aritmatig [m.l]
(xis.) Barashada xirfadaha la xiriira xisaabinta, iyadaoo la adeegsanayo tirooyin iyo xisaabfallo, sida; isugeyn, kala goyn, iskudhufasho iyo isuqaybin. Waxa kale oo ay la xiriirtaa barashada dhismaha habdhiska tirooyinka, iyo sida tiro sansaankeedu loogu beddelo sansaan kale, sida; jajabyada oo loo beddelo jajab tobanle, boqolley oo loo beddelo jajab.

birmiil [m.l] (-llo, m.dh)
Weel weyn oo bir ah qaab dhululubo leh oo qaada labo boqol oo litir, fuusto. ld barmiil.

boqolaad [m.l.t.j]
Tirada jagaalaha ah, tan u dhiganta boqolka.

boqollaal [m.l.t]
Tiro ka kooban dhawr boqol.

boqolle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Qof lab ah. 2. Nin aad u fiican. ld boqollow.

boqollow [m.l] (-wyo, m.dh)
ld boqolle.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg