bor
(m.l) (-rar, m.l)

Maroodi lab, xoog weyn oo raxanta hoggaamiya; arbe.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bor

kaaliyam [m.l]
(kiim.) Summad : K. Bir firfircoon oo jilicsan. Waa midda saddexaad ee biraha alkaliga (ururka I ee tusaha kalgalka); bar-dhalaashan: 63.7° C; bar-karid: 756° C; cufnaan beegan: 0.86; tiro borotoon: 19; cuf-atameed:39.09.

taalaasemiiya [m.dh]
(daaw.) Cudur dhiigga ku dhaca oo la iska dhaxlo, kuna badan dalalka badda dhexe, Eeshiya iyo Afrika; waxaan caadi ahayn qaybta borotiinka ee heemogolobiinka. Unugyada cascas ee cudurku saameeyo caadi uma shaqeyn karaan, waana burburaan, taas oo keeneysa dhiig yari.

unug [m.l] (-gyo, m.dh)
(baay) Halbeegga salka nolosha ee maatar iyo tamarina ka soo uunmaan, ku beddelmaan, ku kaydsaman, kuna isticmaal galaan. Unug kastaa wuxuu ka koobanyahay walxo cufan oo borotiin ah (borotobalaasam), kuwaas oo u meesiyoobey walax xab oo kale ah (saytobalaasam) iyo bu', kaas oo ay ku jirto DNA.

alji [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-iyo, m.dh)
(baay.) Qayb badan oo ka duwan dhirta yar yar, hase yeeshee cagaariye leh (footoosintasis) cuntadiisa ku samaysan kara, kuna nool sabo biyood iyo dhulka saxansaxada leh. Geedkani waxa uu noqon karaa hal unugley ama unugyo badane. Isaga oo yeelan kara qaababkan: miiqaq, wareegsan ama saxan u eg. Aljiga hadda looma aqoonsana koox abla-ablayneed, inkastaoo mararka qaarkood la raaciyo noolayaasha hoose ee boqortooyada borotista. Inta badan haddaba, kooxaha boqortooyadan waxa loo aqoonsanyahay qaybaha abla-ablayneed.

amiiba [m.dh] (-booyin, m.l)
(baay.) Duul ka tirsan borotosowa, jidhkooduna leeyahay soo baxyo aan joogto ahayn oo loo yaqaanno addimobeenaadyo. Kuwaas oo ay u isticmaalaan socodka iyo quudashada taas oo keenta in qaabka jidhkoodu si joogto ah isku beddelo. Sinjiyada amiibada badankoodu waxay si xor ah ugu dhex noolyihiin carrada, dhooqada ama biyaha halkaas oo ay ka quutaan borotosowaha yaryar iyo dhirta kale ee unugleyda ah, laakiin tiro yar ayaa dulin ah.

asiidh [m.l] (-dyo, m.dh)
(kiim.) 1. Nooc iskudhis ah oo leh haydarojiin kuna kalafurma biyaha oona saara ayoonno togan oo haydarojiin ah. 2. Aragtida lowri-boronistidh ee asiidhada iyo beysyada (1923), waxay qeexiddaa hore u ballaadhisay, in asiidhu tahay borotoo.

balaasma [m.dh]
(c.nafl.) Qaybta dareeraha ee dhiigga marka laga reebo unugyada dhiigga. Waxay u badantahay biyo ay walxo badani ku milanyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin borotiinno, cusbooyin gaar ahaan (soodhiyam, bootaasiyam koloraydhyo iyo bikaarboonaytyo), iyo cuntooyin gulukows (amiino asiidhyo, dux), hormoono, faytamiino iyo walxo qashin ah.

balaasmoodiya [m.l] (-ayaal, m.l/dh)
(baay.) Qayb ka mid ah borotosowa oo ku dul nool unugyada cascas ee dhiigga iyo unugyada beerka ee dadka.

balaasmoodiyam [m.l] (-yo, m.l/dh)
(baay.) Borotobalaasam isku cufan oo qaabkiisu isbeddelo oo leh bu'o badan oo ay ku wareegsanyihiin xuub balaasma.

baraar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Naylo waaweyn oo aan dhibaato mudanayn haddii naaska hooyada ay waayaan. 2. Meesha markabka loogu xiro borosinka.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg