bow
(m.dh)

1. Jug; b. sii: qof wax ku dhufasho. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo dhufashada.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bow

aagga-qabow [m.l] (-gag-qabow, m.l)
(jool.)Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.

taf [m.dh] (-fo, m.l)
1. Maro dacalkeed. 2. Bowdada inteeda hoose.

xaasaanqabow [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Nafley aan aad caato u ahayn.

xabow [m.l]
Geed aan qodax lahayn oo badaha agtooda ka baxa oo geelu jecelyahay.

afar-madaxle [m.l]
(c.nafl.) Muruqyada ugu waaweyn ee lugta fidiya midkood, wuxu ku yaal bowdada.

afarsuulle [m.l]
Muruq afar madax leh oo ku yaal bowdada dhinaceeda sare.

awdmid halbowle wadne [m.l]
(daaw.) Marka xinjir ku sameysmato halbowlaha wadnaha dhexdiisa, taas oo keenta in dhiiggu ka xirmo waraabinta wadnaha.

baambow [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-wyo, m.dh)
Cantallaa.

barashada gabowga [m.l]
(daaw.) Barashada aqoonta ku saabsan isbeddellada ka dhaca jirka iyo maskaxda oo la socda gabowga iyo dhibaatooyinka la xiriira.

barijab [m.l]
Meesha barida iyo bowdadu iska galaan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg